Skip links

Xafladda Abaalmarinta Ganacsiyada Guuleystay

Xaflad lagu abaal marinayay 50 ganacsi oo ku guuleystay tartanka hal-abuurka ganacsiga oo loo qabtay bulshada qoxoontiga ah iyo dadka martigeliyey ee gobolka Faafan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jigjiga. Xafladdan oo ay soo agaasimeen shirkadda HASI Consulting iyo Hay’adda ILO; ayna ka soo qayb galeen Haayadaha caalamiga ee deegaanka ee Itoobiya deggan iyo kuwa qaramada midoobay, Safaaradda Netherland oo maalgelisay mashruuca iyo wasiirada dawlad deegaan ka Somalida.

Mashruucan oo ay si toos ah u fulineysay shirkadda HASI consulting ayaa ugu horreyn uu maamulaha guud ee shirkadda HASI Consulting Mudane Cabdiraxmaan Cali Xirsi sharaxay geedi socodkii kala xulista tartamayaasha oo ay soo codsadeen in ka badan 2000 oo ganacsade balse nidaam hufan oo daahfuran oo tartan ku bineysnaa lagu soo gaadhay in 50-kii ganacsi ee ugu sareeyey la abaal mariyo maanta, iyada oo weliba la siiyey xirfado dheeraad ah oo ay ku horumarin karaan ganacsi gooda. Wasiirka xirfadaha iyo shaqo-abuurka DDS, Mudane Xuseen Gaydh ayaa si rasmi ah u daahfurey xafladda  oo  kuna dhiiri geliyey tartamayaasha guuleystay in ay ku faro adaygaan deeqda lacageed ee la siiyey ayna ku kobciyaan gacansiyada la abaal mariyey, dawlad ahaanna ay ku daba geli doonaan.

Madaxdii kasoo qaybgashay ayaa dhamaantood hoosta ka xariiqay in ganacsigu yahay waxa keli ah ee lagaga bixi karo saboolnimada ayna tahay in kobciyo lana barbaariyo iyada oo la xoojinayo tababarada iyo korinta aragtiyaha ganacsiga casriga ah oo shirkadda HASI ay ku soo kordhisay Deegaanka.

This website uses cookies to improve your web experience.