Skip links

SIDEED WAKHTIGAAGA U MAAMULI KARTAA?

“Wakhtigu isagaa ah nolosha”, “garaaca wadnahaagu wuxuu ku leeyahay, noloshu waa daqiiqadu iyo sekeno”, “qofka wax kala garanayaa, waa qofka wakhtigiisa ka faa’iidaysta”, “wakhtigu waa sida seefta, haddaad jari waydo isagaa ku jaraya”, “nin yaraan ku loofaray, wuxuu lumiyay raacdeeye”.  Xikmadahaas iyo kuwa kale oo badanba waxaa ku tibaaxay dadkii xikmadda lahaa ee ama iyagu wakhtigooda uga faa’iidaydeeyay sida ugu haboon amaba cid kula talinayay inay wakhtigooda ka midho dhaliyaan, isla markaana dhaxalkoodu hadhay ilaa maalinta aduunyada la rogayo. Nin aad u cilmi badnaa ayaa yidhi        “ma habeen oo dhan baan soo jeedayaa anigoo cilmi wada, adna waxaad waabariisanaysaa adigoo hurda, markaasaad hadana doonaysaa inaad is soo gaadho”. Wuxuu iska reebayaa kuwa aan wakhtigooda ka faa’iidaysan, laakiin wuxuu la hadlayaa qaar sida ka muuqata hadalkiisa maalintii dadaalay, laakiin habeenkii seexday, markaasuu leeyahay anigu habeen iyo maalinba waan isku daray.

WAA MAXAY MAAMULKA WAKHTIGU?

Qaamuuska Oxform ee erey-bixinta ganacsigu wuxuu ku qeexay “waa hanaan sahlaya in wakhtiga loogu isticmaalo intii suuro gal ah sida ugu wakhku-oolsan, gaar ahaan shaqada.

Qaasuuska erey-bixinta ganacsiga ee uu qoray J.H. Adam wuxuu ku qeexayaa maamulka wakhtiga sida tan soo socota“ waa inuu qofku maamulo wakhtigiisa si uu u hagaajiyo waxku-oolnimada iyo waxsoosaarka wakhtiga”.

Isku soo ururiyoo Maamulka Wakhtigu “waa in laga faa’iidayso wakhtiga aad markaa joogto, ka soo socdana qorshe wanaagsan aad u dajiso, isla markaana ay kaa qo’naato fulinta qorshayaashaada adiga oon dib u dhigid samaynaheen”.

SIDEE WAKHTIGA LOO MAAMULAA?

Baadhis aan waa hore  sameeyay oo ku saabsan maamulka wakhtiga ayaan ka qoray buug yar oo aanan daabacin. Qaybtan waxaan ka soo min-guuriyay buugaas, taas oo ah lix qodob oo kaa caawinaya inaad wakhtigaaga maamusho si waxtar leh. Aan mid mid u eegno tiiyoo aynaan ku tiigaalahayn:

SAMAYSO HIMILOOYIN AMA UJEEDOOYIN CAD CAD OO LA GAADHI KARO.

Hadaf, himilo ama ujeedo waa waxa aad hiigsanayso gaadhistiisa. Tusaale ahaan buug 300 oo xaashiyood ah inaad ku akhrido hal wiil waa hadaf. Haddii uu kuu cad yahay buuga aad akhriyayso, inta bog ee uu yahay, wakhtiga aad ku dhamaynayso, iyo waxaa aad ka faa’iidayso, waxaad haysaa dariiq toosan oo kuu sahlaya inaad gaadho hadaf ah inaad aqoon korodhsato.

DAJI QORSHEYAAL FAAHFAAHSAN OO LAGU HIRGALINAYO UJEEDOOYINKA AAD KA LAHAYD ISTICMAALKA WAKHTIGA.

Si aad u gaadho hadafkaaga, waxaad u baahan tahay inaad qorshe fiican oo macquula la timaado. Waxaad is-waydiinaysaa su’aalo badan waxaanad isku dayaysaa inaad jawaab ku shaafida u hesho. Su’aalahaas waxaa ka mida: maxaan qabtaa? Qoormaan qabtaa? Halkeen ku/ka qabtaa? Sideen u qabtaa? Cid aan u xilsaari karaa ma jirtaa si aan anigu hawlo kale u qabto? Imisa ayay qaadanaysaa inaan dhamaystiraa hawshan aan faraha la galay? Iyo qaar kale. Jawaabaha su’aalahaasi waxay kugu hagayaan inaad hesho dariiq cad oo aad u marto xaqiijinta hadafkaaga.

MUDNAAN KALA SII HAWLAHA AAD QORSHAYNAYSO.

Mudnaanta marka la kala siinayo hawlaha aad qabanayso waxa la eegaa laba arimood: muhiimada arinkaasi leeyahay iyo degdeg in loogu baahan yahay iyo in kale. Haddii arinku muhim yahay laakiin uu ku sugi karo, waxaad ka horaysiinaysaa arin laga muhiimsan yahay oo aan ku sugi karin ama wakhtigeedu dhacayo.

HA SAMAYNIN DIB-U-DHIGIS.

“Dhib-udhigistu waa tuuga wakhtiga” iyo “arin aad maanta samayn karto haw dhigin berito” waa xikmado hore oo laga yidhi dib-u-dhigista. Qabo, samee, dheh, qor, akhri ama yeel wax kasta oo aad qaban karto marka ugu haboon ee uu taagan yahay, haddii kale waxaa isu kaa dul fuuli shaqadii maanta, tii shalay, tii doraad iyo kuwa kaleba.

MAR KASTA QABO HAL SHAY.

Haddaad isku dul furto laba, sadex ama in ka badan oo arimo ah, waxaa xaqiiqo ah inaanad midna si tayo leh u samaynahayn. Mar kasta isku day inaad hal shay dhamayso, deedna bilaw mid kale.

NOQO QOF ISKU FILAN SI AAD UGA HORTAGTO WAKHTI LUMISKA.

Dadku waa sadex marka cidi damacdo inay wakhtiga ka lumiso: hogaansame (submissive), qalafsane (aggressive), iyo toosane (assertive). Ka koobaad wuu iska raacayaa qof kasta oo luminaya wakhtigiisa ama danihiisa seejinaya. Ka labaad si qalafsan buu u dhaqmayaa qofkana wuxuu ugu jawaabayaa si bilaa ixtiraama. Ka sadexaadna wuxuu isku dayayaa inaan wakhtigiisa ama danihiisa la lumin isagoo ixtiraamaya qofka. Waxaa lagaa rabaa in aad barato odhaahda “maya” adigoo qadarinaya qofka kale. Markaasaad noqonaysaa dhexdhexaad.

MAXAA WAKHTIGA LUMIYA?

“Ardaygaan dadaalini mar buu dibinta ruugaaye,  Wakhtigii uu daayacay ayuu dib u xasuustaaye”. Muuse cali faruur. Waa hubaal in qofkii wakhtigiisa dayacaa uu qoomamo iyo ciil ku dambayn doono. Habada maxaa wakhtiga lumiya?  Wakhti-lumiyayaashu waxay u kala baxaan laba: wax ay keento bii’adda kugu xeerani iyo wax aad adigu keento. Kuu doonaba ha ahaadee mid waliba wakhtigaaga ayuu luminayaa, waxaana loo baahan yahay in laga gaashaanto.  Aan sheego kuwa aan is idhi way ugu lumin badan yihiin:

  • Qaadka – laba kuma muran sana in dadka Soomaalida intooda badan qaadku ugu jiro wakhti-lumiyaha ugu muuqa dheer, waayo waxaa la fadhiyaa 2 ilaa 8 saacadood. Si ka duwan umadaha kale ee jaadka cuna oo iyagu ku qayila shaqada iyagoo ku jira, Soomaalidu way ku danseegaan, way yuursadaan, waxaanay muddo dheer ku jiraan faalo aan midho dhal lahayn.
  • Filimada, musalsalada, iyo wixii la mida– muuqaal-baahiyaha laga daawado filimada, musalsalada, iyo barnaamij-yada aan faa’iidada lahayni waa ay inagu soo badanayaan, imikana waxaaba lagu turjumay af-soomaali. Wakhti badan ayaa kaga luma dhalinta, dumarka, caruurta iyo waliba rag waaweyn.
  • Tilifoonka – gaar ahaan dhalinta, tilifoonku waa wakhti lumiya aad u daran.
  • Shirarka aan ku khusayn – shirku hadaanu ku khusayn, haddii aanad wax ku soo kordhina hayn, haddii aanad wax ka faa’iidasana hayn, ha tagin. Haddii aad tagtona isku day inaad soo gaabiso joogitaankiisa, waayo wuxuu halaabinayaa wakhtigaaga.
  • Fadhiga maqaaxiyaha – haddaad subaxii ama galabtii soo marto maqaaxiyaha waxaad arkaysaa dad badan oo fadhiya, iska faraxsan laakiin aan ogayn inay cimrigoodii cunayaan. Waxaa ka daran xoogii dalka ee waxsoosaar, aqoon iyo wax tar ka shaqayn lahaa ayaa meeshaas yuurura. Ogow oo waa intii qaadka ka badbaaday, oo si kale wakhtiga u gubaya.
  • Inaad odhan kari waydo “Maya” – inaad raacoo noqotaa waa waxa ugu badan ee aad wakhtigaaga ku habaabin karto. “Maya” dheh adigoo qofka u sheegaya dhab ahaan waxaa aad sidaa u tidhi. Inuu kula fahmo iyo inkale adiga kuuma taalo. Haddaad saaxiibkaa u sheegto inaad shaqo leedahay isna uu doonayo inaa is-raacdaan, isagay xilkiisa tahay inuu fahmo ujeedadaada. Haddii uu fahmi waayo, haysku lurin in badan, hana tuurin.
  • Dib-dhigista – dib-u-dhigistu waa shayga ugu daran ee wakhtiga cuna. Sidaan horeba u soo sheegnay waa tuuga xada wakhtiga qofka. Ka dhigo hal-hays “qabo imika oo dib haw dhigin”.
  • Himilooyinkaaga/ujeedooyinkaaga oon caddayn – waa run haddii aan ujeedooyinku caddayn in qofku jahawareerayo, isla la markaana falayo wax aanay ahayn inuu qabto.
  • Muhiimado is-khilaafsan – haddii muhiimadaha kuu yaalaa ay iska hor-imanayaan iyaduna waa mushkilad inteeda leeg, iyo mid subxaana leh.
  • Isku dayga inaad wax badan qabato – haddii aad noqoto habartii xaabada qaadi kari wayday ee inta kale ku dartayna waa mid kamida wakhti-lumiyayaasha. Qabo hadba waxaa aad gacanta ku hayso, dhammee, deedna bilaw mid kale.
  • Iyo qaar kaloo badan.

SIDEE LOOGA AKDAAN KARAA CAADOOYINKA WAKHTIGA LUMIYA.

  •  Inaad hesho wakhti-lumiyayaasha dhabta ahi kuwa ay yihiin, sababta ay ku timaado, qooraha aad lumiso wakhtigaaga badanaaba,  iyo cidda la jirto marka aad wakhtigaaga luminaysid.
  • Ka takhalus caadada wakhti-lumiska, kuwa badal caado wakhtigaaga dhawraysa.
  • Ka fogow wax kasta oo ku xasuusin kara caadooyinkii wakhti-lumiska waayo way fududahay inay nafku noqoto waxay taqaanay.

GUNAANAD

Nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi “Laba nimco dadka intooda badani way moogan yihiin: firaaqada iyo caafimaadka” Bukhaari.

Wakhtigu waa waxa ugu qaalisan ee qofka banii aadamka ahi haysto, waana waxaa qudha een tagistiisa la soo celin karin. Sidaa daraadeed qofka waxaa ku waajib ah inuu ka faa’iideeyo fursadda iyo ayaamaha yare e tirsan ee la nool yahay. Imaamu shaafici baa yidhi “suufiyada waxaan ka faa’iiday qofka caqliga lihi waa qofka la nool wakhtigiisa ama ka faa’iidaysta wakhtiga uu markaas joogo”.

Nasteexada aan inoo jeedinayaa waxa weeye “aan wakhtiga dhowrno, aan ka faa’iidaysano, aan ka midho dhalino, si aynu nafaheena iyo umadeenaba u qaadhsiino horumar ugana jawaabno su’aasha uu Ilaahay maalinta qiyaamaha ina waydiin doono ee ah “maxaad wakhtigaagii ku qaadatay” iyo “maxaad dhalinyaranimadaadii ku gaboojisay”. Ilaah haynaga dhigo kuwii jawaabtaas ku guulaysta.

Leave a comment

This website uses cookies to improve your web experience.