Skip links

Waa Kuma Hogaamiyaha Wanaagsani?

Hogaaminta wanaagsani waa midhaha iyo maxsuulka hogaamiye mudh-baxay oo ku dayasho mudan. Si aynu u fahano hogaaminta wanaagsan aan is waydiino waa kuma hogaamiye? Astaamo noocee ah baa lagu sifayn karaa hogaamiyaha? Waa maxay ficilada iyo dhaqannada joogtada ah ee Hogaamiyaha wanaagsani leeyahay?

Hogaaminta waxaa lagu qeexi karaa “awoodda aad ku saamayn karto qof ama Bulsho si loo gaadho hadaf ama yool”. Sidaa daraadeed buu hogaamiyuhu noqonayaa qofka isticmaalaya awoodiisaa si uu dadka ugu horkaco uguna horseedo inay hiigsadaan isla markaana hirgaliyaan yoolka ama hadafka loo socdo rumayntiisa.

Waa kuma hogaamiyaha wanaagsani? Daraasad ay sameeyeen labada khabiir ee la kala yidhaahdo Kouzes iyo Posner oo laga soo ururiyay inta badan dalalka aduunka, lana waraystay in ka badan 1.5 milyan oo qof; lana waydiiyay tilmaamaha ugu muhiimsan ee ay jeclaan lahaayeen in hogamiyaha wanaagsani yeesho,waxaa la sheegay tilmaamo badan laakiin afar ka mida ayaa noqday kuwa ugu horeeya laga soo bilaabo 1983 oo ahayd markii ugu horeysay daraasadan ilaa maanta. Dadku waxay rabaan hogaamiye leh sifooyinkan:

  1. Daacadnimo (Honesty) – waa qof daacada, run-sheega, aamina, akhlaaq iyo milgo leh, sariigo leh oo wax u kala soocan yihiin.
  2. In-dheer garad (forward looking) – Waa qof aragti dheer leh, mustaqbal quruxbadan odorosi kara, sawiri kara meesha loo socdo isla markaana dadkiisa tusi kara inay u wada ordaan xaqiijinta himilo iyo hiigsi la wada leeyahay oo qof waliba iska dhex arkayo.
  3. Dhiirigaliye/ Xiise-galiye (Inspiring) – waa qof guubaabiye ah, niyadsami leh oo nolosha dhinaca fiican ka eegaya, firfircoon, jecel oo dhiiri galinaya dadkiisa, isla markaana noolaynaya ama la dhabaynaya riyooyinka iyo himilooyinka isagoo u maraya inuu dadka jeclaysiiyo, xiise galiyo isla markaana u sawiro nolol hodan ah.
  4. Hawl kar (competent) – Waa qof hawl kar ah oo garanaya waxaa uu qabanaayo, meesha uu dadka u hogaaminayo isla markaana karti iyo kasmo u leh hawl kasta oo xuduudiisa ah. Ma fadhiisto intuu dadka amar siiyo, wuu ordaa oo shaqeeyaa si loo helo la-hogaamiye aan daalin oo hawl kara.

Way jiraan astaamo kale oo aad loo xusay sida: Garaad badni, toosnaan, caawiye, laysku halayn karo, maskax furan, han leh, danayn leh, go’aan leh, dhiiran, isku kalsoon, bisil, curin leh iyo qaar kaloo badan.

Ficilada iyo dhaqanka hogaamiyaha wanaagsan- Labada khabiir waxay daraasadooda caanka ah ee lagu magacaabo “The Leadership Challenge” ku soo ururiyeen ficillada iyo hab-dhaqanka ay tahay in uu sameeyo hogaamiyaha la mahadiyey ee ku dayashada mudani, waxaanay u bixiyeen “Shanta dhaqan ee hogaamiyaasha tusaalaha ah” (The Five Practices of Exemplary Leadership); mid-mid ayaynu hoos ugu sharaxnay:

  1. Tusaale Noqo (Model the Way) – Ficillada Hogaamiyaha ayaa ka cod dheer hadalkiisa, dadkana wuxuu la wadaagaa dareenkiisa hogaamineed;waxaanu tusaale ugu noqdaa fulintiisa. Ma yidhaahdo “cilmigayga qaado oo camalkayga ha qaadan” ee wuxuu sameeyaa waxaa uu ku hadlaayo. Isma kilaafaan ficilkiisa iyo hadalkiisu. Wuxuu leeyay mabda’ waanu ku dhaqmaa. Ma aha qof gabi-dhaclaynaya oo marba wixii afkiisa ka soo baxa dadka ku maamulaya. Waa qof ku dayasho mudan oo hadday tahay dhinac kasta: akhlaaqda, dhaqanka, balanta, kartida, hawl-karnimada iyo qaar kaloo badan. Intaas haddii laga helo hogaamiyaha waxuu ka kasbanayaa bulshada ixtiraam iyo kalsooni, wuxuuna noqdaa qof ummada inta kalena kaga dab-qabsato.
  2. Guubaabi Aragti la wadaago (Inspire a Shared Vision) – Hogaamiyaha wanaagsani waa in dheer garad waxaanu ku qanciyaa bulshada ka dhabaynta aragtidaa. Kaliya intaa kagama tago ee wuxuu dadka jeclaysiiyaa himilo guud (vision) oo loo wada riyaaqsan yahay, isla markaana wuxuu u hagaa hir doog leh oo ay dareemayaan inay qayb ka yihiin. Shaqo wayn oo hogaamiyaha u taala ayaa ah inuu aragtida iyo hiigsiga u rogo qorshe la hirgalin karo oo dadku garanayo meesha loo socdo iyo caqabadaha horyaala iyo sida looga bixi karo.
  3. Isbedel raadi (Challenge the Process) – Hogaamiyaha wanaagsani wuxuu ka fikiraa is-bedel iyo horu-socod. Wuxuu cariyaa waaqica iyo sida ay wax u jiraan. Marna kuma hakado sida ay wax yihiin ee hore ayuu u socdaa . Wuxuu raadiyaa fursado; waxaanu dhiiri galiyaa curinta iyo hal abuurka. Wuxuu eegaa waxaa uu dhiggii samaynayaan waxaanu ka bartaa wixii fiican si uu isaguna u dhaafiyo, isla markaana ugu daro hal-abuurkiisa iyo doonistiisa. . Wuxuu ka fikiraa sidii uu fali lahaa wax ka fiican waxa maanta jira. Si taasi u suuro gasho wuxuu sameeyaa tijaabooyin isla markaana wuxuu u ogolaada dadkiisu inay isku day sameeyaan. Wuxuu u badheedhaa khatarta ka imaan karta tijaabooyinka cusub isla markaana waxuu ka bartaan casharo khaladaadka dhaca. Waxay ku dadaalaan inay joogteeyaan guulaha iyagoo ka fikiraya inay aayar-aayar u fuliyaan ilaa ay gaadhaan guulaha waaweyn. Somalidu waxay u maah-maahdaa “bartii yaqaa bari uma korodho”, hogaamiyahani waa geedi u joog.
  4. Kartigeli dadka kale (Enable Others to Act) – Hogaamiyaha lamahadiyey waa ka soo saara hogaamiyayaal ka dhinac shaqeeya; gadaalkiina ridada dhaafiya halkii uu isagu dhigay. Wuxuu dhisaa wada shaqaynta, is-kaashiga iyo is-garabsiga. Wuxuu abuuraa jawi dadku is aamini karo, wada shaqayn karo, iskuna niyad samaadaan karo. Wuxuu fududeeyaa in xidhiidh fiicani dhex maro dadka uu u talinayo. Waa xaqiiqo inaanu kalidii gaadhi Karin himilooyinka iyo riyada loo socdo. Sidaa daraadeed wuxuu ku dhiiri galiyaa dadka kale inay iyana hogaamiyayaal noqdaan. Halkuu amar ka siin lahaa dadkiisa, wuxuu u fududeeyaa inay aaminaan awoodooda, isla markaana isku tashadaan. Wuxuu koriyaa kasmadooda iyo aqoontooda. Wuxuu kobciyaa xirfadooda, fikirkooda, garaadkooda iyo wacyigooda. Si loo wada guulaysto; wuxuu dhiiri galiyaa in qof waliba helo fursad uu kartidiisa ku soo bandhigi karo, guulana kaga soo hoyn karo shaqadiisa . Hogaamiyaha haybada lihi (the charismatic leader) wuxuu abuuraa in dadku is aamino taasoo keenta inay u badheedhaan fulinta isla markaana u dulqaataan khataraha ka iman kara.
  5. Dhiiri-gali quluubta (Encourage the Heart) – Hogaamiyaha wanaagsani wuxuu qiraa waxqabadka iyo hal-abuurka dadkiisa. Wuxuu sameeyaa amaan, qiraal iyo abaal-marino ula kaca oo uu ugu talo galay dadka mutaystay ee soo kordhiyay fikir lagu reeyay ama si uun wax macno leh u keenay. Wuxuu aamin san yahay in wadada guushu dheertahay oo marar badan ay ka qarsoonto dadka. Sidaa daraadeed wuxuu sameeyaa in loo dabaal-dego guulaha si jamaca iyo si gaar gaaraba si loogu adkeeyo qalbiga loona dhiiri galiyo qofka inuu hore u socdo. Dhiirigalinta iyo abaalmarinta wuxuu u sameeyaa si cadaalada, saxa, oo qofkii ku qumanaa la siinayo wixii ku qumanaa. Ma sameeyo xaflado indho sarcaada, ama dhalanteeda. Ma abaalmariyo afmiishaarada aadka ugu nacam leeya, ee waxaa qof waliba qiraa inuu inta badan ku saxsan yahay sida uu wax u dhigay.

Marka laysku soo xooriyo hogaamiyaha wanaagsani waa qof degan, akhlaaq leh, niyad-san, daacada, aragti dheer leh, kal-galac leh, hawl kara, caqli badan, isla markaana ku dhaqma dhaqanka wanaagsan ee hogaaminta. In aad xil qabataa waa fursad aad kartidaada hogaamineed ku soo ban dhigi karto balse kaama dhigayso hogaamiye la mahadiyey; hadaanad sifooyinkaas la iman.

Haddaba haddii aad rabto inaad noqoto hogaamiye wanaagsan miisaanka isa saar adigu oo eeg laba shayba. 1) Tilmaaha hogaamiyaha la mahadiyay ma leeday gaar ahaan kuwa lala kala baydhi waayay ee ahaayeen daacadnimada, il-dheer garadnimada, dhiirigalinta/guubaabinta iyo kartida. 2) Si joogto ah oo ula kaca ma u samaysaa 5-ta dhaqan ee hogaamiyaha wanaagsani ku dhaqmo. Hadaba inta aad ficil-galinta dhaqanadaas badiso (frequency) ayay hogaamintaadu toosaysaa isla markaana fiicnaanaysaa. Is qiyaas oo adigu tijaabi heerkaaga deedna samayso qorshe aad ku kobcinayso awoodaada hogaamineed.

Leave a comment

This website uses cookies to improve your web experience.