Skip links

Ma u qalantaa inaad maalgaliso si aad u kobciso hogaamintaada?

Haddaad tahay hogaamiye cusub – Khibrad ahaan ama da’ ahaan – waxaanu rabnaa inaanu maanta kula hadalno. Ma rabno inaanu wakhti badan kaa qaadanno, balse erayadan ayaannu ku soo koobaynaa:

Kobcinta shakhsiga ahi waa maalgelinta ugu weyn ee u qarsoon hogaamiyaha, taas macneheedu waxaa weeye ma hadlaysee wey kaa muuqanaysaa.
Marka aad kobciso xirfadahaaga hogaamineed, natiijada waxaa laga arkaa ficilladaada, waxay ka muuqataa caadooyinkaaga, go’aamadaada iyo siyaabaha aad uga falceliso carqaladaha ku soo waajaha hogaamiye ahaan.


Marka aanad kobcahayn, natiijada arrintaa waxay ku cadahay hadalkaaga, waxaad samaysaa ballan qaad aanad oofin ama kasoo bixin, waxaad ku hadaaqdaa himilo aan run ku bineysnayn iyo yabooh aanad diyaar u ahayn inaad bixiso.
Marka kuugu horeysa hogaaminta, wey wacantahay inaad awooda saarto hadalka. Waa halka ugu dhaw ee dadku ku ogaan karaan waxaad ka fekereyso iyo niyad samidaada. Balse wakhti ka dib, hadalkaagu wuu qiimo dhacaa hadaanad ficil ku darin, sababtoo ah ficilkaa ah waxa rumeeya ee xaqiijiya fikirkaaga iyo niyad samidaada.


Haddaad rabto inaad hogaamiye wanaagsan noqoto, waa in aad noqotaa qof wax qabad; kaasoo leh hab-dhaqan hogaamineed iyo hadal hogaamineed. Waana sababta ay muhiimka kuugu tahay dib u qiimeynta iyo kobcinta xirfadahaaga hogaamineed. Had iyo jeer waxaa jira meelo aad rabto inaad kobciso, sida hab-dhaqanka, fikirka iyo kartida aad dadka kula xidhiidhayso; go’aamadana ku qaadanayso IWM, waana waxa mudan in la kobciyo lana koriyo.


Haddaad rabto inaad kobciso hogaamintaada, waa in ay ku talo gal kaa noqotaa. Arrintani waa sida kooxaha ciyaarta oo kale: dhakhso ayaad u korinkartaa hogaamintaada markasta oo ay kugu xeeranyihiin kooxo kale oo iyana horumar iyo koboc samaynaaya.


Sidaa awgeed ayaannu kuugu casuumaynaa inaad si toosa qayb uga noqoto dafcadii 4aad ee tababarka “Kobcinta xirfadaha Hogaaminta iyo samaynta qorshaha nolosha” oo ay kaaga horeeyeen 3 dafcadood isku xidhan oo xidhiidh joogto ah leh (Hogaamiya yaasha Geeska). Tababarkan 3da maalmood ah waxaa loogu talo galay in hogaamintaadu kobocdo maadaama ay tahay wax la dhisi karo oo la kobcin karo, aanad kala tagto qorshe noloshaada anfaca oo aad ku hawl gasho.
Kobcinta xirfada shakhsiga ahi waa maalgelinta ugu muhiimsan hogaamintaada – sababtoo ah ma hogaamin kartin cidkale haddaanad naftaada laylyin marka hore.

Leave a comment

This website uses cookies to improve your web experience.