U Bedellida Fikradaha Ganacsi Shaqaynaya
Haddii aad ganacsi bilaabayso waxa hubaal ah in aad ku biirayso suuq, suuq uu tartan
ka jiro oo lagu muquunin karo. In aad guulaysataa waxa ay ku xidhantahay
talaabooyinka aad qaadayso marka aad bilaabayso ganacsi. Hadaba si aad u hubiso
ganacsiga aad bilaabaysaa in uu guulaysto waxa muhiim ah afar talaabo:
Suuq koraya (Growing market): Suuqa aad galaysaa in uu noqdo mid koraya.
Tusaale ahaan haddii aad furato meherad internet (internet cafe) way adagtahay in qof
soo fadhiisto waayo waxa suuqa ka saaray telefoonada qofkastaa ku isticmaalayo
intarnetkii; waa suuq burburay ama burburaya. Suuqa aad galaysaa waa in uu ahaadaa mid
koraya.
Baahida jirta (Pain): Adeega aad bixinaysaa waa in ay jirtaa baahi jirta oo uu daboolayo.
Waa in uu jiraa xanuun ay dareemayaan macaamiishu (customer pain) oo ay tahay in aad xaliso.
Tusaale ahaan qiimaha oo qaali ah, daryeelka macaamisha oo liita, shayga la iibinayo oo
tayadiisu hoosayso, aaminaad la’aan ama xogta laga hayo alaabta aad iibinayso oo hoosaysa.
Dhammaan waxyyaalahani waa xanuun ay dareemaan macaamiisha suuqa ku jirtaa, markasta
oo xanuunku bato (customer pain) waxa bata fursada wax lagaaga iibsan karo.
Awoodda iibsiga (purchasing power): dadka aad ugu talogashay in aad adeega ka iibisaa
waa in ay leeyihiin awood ay ku iibsan karaan adeegaaga. waa in haystaan lacag ay ku
bixin karaan qiimaha aad siinayso.
In si fudud loo gaadhi karo macaamiisha (Easy to target): Adeeg kasta oo aad bixinaysaa
waxa uu u baahanyahay suuqgayn. Waa in aad hubiso in ay fududaataa qaabka aad u
gaadhayso macaamiisha. Haddii wax ka iibisanayso dad gaar ah, sida ardayda jaamacadaha
ama dhakhtarada oo kale waa in aad garanayso qaabka aad u gaadhi karto sida: baraha bulshada,
xarumahooda, meelaha ay isugu yimaadaan, iwm.